Gadhweyn oo halkiinnaa degtaan gelin la seexdeen dheh
Gadiid iyo Shirdoon waa horay guban lahaayeen dheh
Gulcub waxa ah waannaan aqoon goday ku dhuuntaane
Idinna waa na guubaabisaan goor iyo alleyl dheh
   
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
Imanmayso HY
Miyaanaan
Cibaaradaa daya
Moqorraysta
Jawaabti Samatar
Gadhka-Yogolka
Hadhuudhle
Dawdar falan
Daarood-ku-Xaar
Jawabti Dhuux
Yawle & Hinnig
Yawle & Hinnig
Keligi maahayn
Maax & Gadiid
Colaad Sokeeye
Ha samrina
Maa la heshiyo
D o o d
Ma magoolo
 










 
 
 

GadhkaYohgolka

Maxamed Aadan Caws "Yawle", (HY)

Nin Muuse Ismaaciil ah ayaa waa lagu diley meesha la yidhaahdo gadhka yogolka oo ay dileen niman Habar awal ahi. Cabdi Gahayr oo Ciidagale ahaa ayaa gabay u soo diray Habar Yoonis isagoo tilmamaya sida Habaryonis baalku uga qoyan yahay ee aanay u raadin godobta ka maqan.
Cabdi Gahaydh wuxuu yidhi;

Tamashlaynta Sacad Muuse iyo taaha habar Yoonis
Hadday laba libaax oo toggani tulud wadaagayso
Miduunbaa ilkaa uma tudhee cuna tagoogyaaye
Intaan tiirarkoodu isku jabin timana loo xiirin
Allow yaa wixii hore tagee taliya oo jooja


Maxamed Aadan Caws "YAWLE" wuxuu markaa ka gabyey Burco isagoo Hargeysa iyo Cabdi Gahayr u diraya. gabayga warqad baa lagu qoray oo waxa laoo sii dhiibey nin yuusuf Cabdi koor la yidhaahdo.

Gaddoontaye haddaad Yuusufow gaadhiga rarato
Gabal dhacay hadduu kula baxoo idinla guureeyo
Biraa giririfleeyiyo haddaan geerku kula duulin
Inuu adiga kula gaabiyaa waa hal soo go'aye

Guuleed Xawaalkiisa iyo Geli markaad dhaafto
Gooddiga Hargeysuu ku geyn goor la jiifsadaye
Guduudkaad u bixi daarihii lagu gadaannaaye
Galbeed nimanka jira Ciidagale gaanka Habar Yoonis

garxajisiyo Daauud farriin nooga wada geeya
Inta ceelka laga gaadhi karo guga ma yaalliine
Godleey uga hayaameen halkiyo guro Ugaadeene
galka HaraDigeed bay tagaan geel markuu dhalo'e

Intuu udubku geylaansan yahay goodiyada Tuuyo
Ee guurtidii wada fadhido talada goyneysey
Gaaroodiga iyo tuuraha iyo godanka maygaago
Gahayr iyo u dhiib Qawdhanbaan gabaygu seegayne

Gobta reer Mataanoo dhaniyo Gobo'da reer ciise
Gobdoonka u shisheeyiyo Isxaaq gobolkastuu sheega
Gunbuur iyo ha soo xaadireen gaanka Reer Sugulle
Muusa Cabdallaha Go'o fadhiya gaar ha ku ahaado

Giddigiiba reer Cali Siciid hadalkan gaadhsiiya
gahaydh iyo u mari Qawdhanbaan gabaygu seegayne
Gashay naga hayaan reerahaad gogol la jiiftaan dheh
Intay gawreceen Aw Cilmay Guduri siiyeen dheh

Wax la yidhi garnaylbaa ku dhacay gaal siduu yahay dheh
Gorgorbaa ku cunay meel cidla ah goloski dheeraa dheh
Gaaliyo islaamkuba na dile gooshka maanta ah dheh
Gardarro iyo leecaannimo baan ila gudboonayn dheh

Gumaroba ka samir reer Siciid gaajaduu qabaye
Ganbaa madaxa noo saaran iyo guufka naagaha dheh
GadhkaYogolka way iga fog tahay godobta taallaa dheh
Hadduuse guuli kari waan aqaan guluf colaadeed dheh

Sacad Yooniskaa gudubsan iyo gurigan Tuurwaa ah
Gadhweyn oo halkiinnaa degtaan gelin la seexdeen dheh
Gadiid iyo Shirdoon waa horay guban lahaayeen dheh
Gulcub waxa ah waannaan aqoon goday ku dhuuntaan dheh

Idinna waa na guubaabisaan goor iyo alleyl dheh
Gacmuhuu isaga hiiliyaa gacal walaalii dheh
Marna nimaanay gaadhini ma oga gawsha nagu taal dheh
Haddii aan gantaashiyo warmaa nalaga goyneynin
Ha noo soo gabyina waa inaan gama'sanaanaaye.

 

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com