Ma magoolo geed kalli ah oo milic ku yaalaaye
Mataanaha lugaa iyo gacmmuhu kalama maarmaane
Mid hadii la jaro teeda kale waa u miligtaaye

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
Imanmayso HY
Miyaanaan
Cibaaradaa daya
Moqorraysta
Jawaabti Samatar
Gadhka-Yogolka
Hadhuudhle
Dawdar falan
Daarood-ku-Xaar
Jawabti Dhuux
Yawle & Hinnig
Yawle & Hinnig
Keligi maahayn
Maax & Gadiid
Colaad Sokeeye
Ha samrina
Maa la heshiyo
D o o d
Ma magoolo
 
 











 
 
Maxamed Aadan Caws
 

Gabaygan Yawle wuxu kaga cabanaayey nin reer Cawl(Reer Faarax) ah oo la odhan jiray Maxamed Colujoog oo tarjumaan ahaa. Mar ay arini dhex martay Ingiriiska iyo reer Cawl ayaa Maxamed aabihii oo ku magac dheeraa Colujoog Qayaad reer Cawl difaacay oo Ingiriiska uga tarjumay oo isago Xajka ku socda arintaas awgeed uga hakaday Xajkii.

Dagaalo fara badan oo dhex maray Muuse Carre iyo Muuse Ismaaciil oo samaano socday ayaa Jaamac Axmed Shire oo Muuse Carre ah Ingiriska ku diray reer Cawl ninkii Maxamed Colujoogna aanu dan ka gelin tolkii oo Ingiriisku damacsanaa inu dagaal ku qaado. Markaas buu Yawle gabaygan tiriyay isagoo canaan ula jeeda iyo inaanu Maxamed aabihii oo kale ahayn iyo Jaamac Shiraa tolkii uga hiilyey.


1-Manka Sahal mataanaha Cismaan madaxda reer Rooble
2-Nimanyahow magaaliyo miyiba midhaha reer Faarax
3-Muslin iyo kufriba noo kadde oo madhan halkiiniiye
4-Ma magoolo geed kalli ah oo milic ku yaalaaye
5-Inkastoo mahiig qooyo waa mudhuxsanaadaaye
6-Hadii nala makalo oo rasaas nalagu maansheeyo
7-Mirir naga dembayn maysid iyo maalin galinkeede
8-Walee geela maadhaa ka badan inaadan maalayne
9-Marsa nalagu qalay aabahaa kama maqnaadeene
10-Mijirkoo damaaciyey inu maalin nagu duulo
11-Makka iyo Xajkuu uga hakaday maatadaa dhiman'e
12-Malkadaad fadhiday Jaamac baa iiga soo mudhaye
13-Isba magac ku dirir baa guntigu uga maleegnaaye
14-Marka qaarkii naaguhuna waa inay masayraane
15-Mataanaha lugaa iyo gacmmuhu kalama maarmaane,
16-Mid hadii la jaro teeda kale waa u miligtaaye
17-Muuse Carre iga dooratee magac hakuu yeelo

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com