Hadnaan col dareerin
Ayaxoo kor u duuliyo
Nala moodin daruur

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
Imanmayso HY
Miyaanaan
Cibaaradaa daya
Moqorraysta
Jawaabti Samatar
Gadhka-Yogolka
Hadhuudhle
Dawdar falan
Daarood-ku-Xaar
Jawabti Dhuux
Yawle & Hinnig
Yawle & Hinnig
Keligi maahayn
Maax & Gadiid
Colaad Sokeeye
Ha samrina
Maa la heshiyo
D o o d
Ma magoolo
 
 
 











 
 
Maxamed Aadan Caws
 

Gabayadii "Guba" oo socda oo dagaanka Hawdka (Doollo) lagu loolamaaayo 1935kii ayaa waxa dhex maray dagaalo H.Y iyo Daarood duleedada ceelka Danood. Dhulbahnate iyo Ogaadeen ayaa 2 goobood dagaal ku dhex maray H.Y , meesha la yidhaahdo Lama Dago ayaa Ogaadeen oo Talyaanigu soo hubeeyay 1935kii dagaalkii Italy iyo Ethopia ayaa hubkii dagaankii Doollo ee laga riixay 1923 meelo kula dagaalamay H.Y. Sidoo kale Dhulbahnate na dagaalka waa soo galeen. Sanadakaas oo Soomaalidu u taqana Siige Case ayuu Yawle geeraarkan mariyay H.Jeclona ku canaantay, Habar Yoonisna ku dhiiri galinaayay dagaalka , Daaroodna u sheegaayay waxa ku dhici doona.

Daaroodkaanu colawney
Dood yar baan u tiraabay
Toljecla dacalkayga
Dagmadiisu hawaartee
Nabadaw dihanaayana
Dood yar baan u tiraabay
Duuda reer Habar Yoonisna
Dood yar baan u tiraabay

Daaroodkaanu colawnay
Duuda Habar Yoonis
Dood yar baan u tiraabay
Hadii geeshaka la duugo
Dugaagii Gubadood iyo
Dulcad reerka la geeyo
Daandheer baa hadhi doonta

Toljecla dacalkayga
Dagmadiisu hawaartee
Nabada u dihanaaya
Dood yar baan u tiraabay
Daarood baanu colownay
Ka darme baa ka shisheeya
Kan kalee ku dul meersan
Raga Daaqa ka jooga
Docmo kaa la gudboon
Daawo buu noo wada qaatay
Dadna waad noogu xigtaan
Dildiilana nagu yaal
Baad marba daawanaysaan
Nin walaalkii la dooxo
Darmo caad le ku seexday
Walee waa u doqoniimo
Danbina taa kama joogo
Aqal daaha la gooyana
Labadiisa docoodba
Dabayl baa gali doonta
Danbina taa kama joogo
Riyihiinuna deyrta iyo
daainey dhalayaane
doobi xoor le ka maaloo
Sidiinaa u dingiiga
Ragaa daawada qaatay
bal inu idin daayo
Dibbnaa inaad u dhimataane
Dambarkeedna annu dhowrno

Daaroodkaanu colawnay
Dood yar baan u tiraabay
Hadnaan col dareerin
Ayaxoo kor u duulay
nala moodin daruuriyo
Dildilaaca arooryiyo
Daafini?idin qabsan
Raga aanu dilnaa
Dugsiyaasha ku faadin
Dad u ???? la waayin
Hadydaan kun dagaag ah
Iyo sidiini dabatoobin
Hadii aan dumarkiinuna
Dubiyeyda?ku waalan
Dameeray iyo Caado
Daraatoole iyo Faafan
Dig intii laga gaadho
Danootaanu qar naal
Hadaad Doollo cabtaan
Duda reer Isxaaq
Dawlis daba joogo.


Ayadoo halkaas maraysa ayuu Maxamed Cumar Dage soo gabyay isagoo tilmaamaya dhulkay ka xoreyeene H.Y waana kii lahaa
Ogadaeen Doh iyo Dig iyo durugsay ceelkiiye
Idoor dallaallimo ka waa Daaqtiyo Faaf dheh


Yawle ayaa u jawaabayaa Ina Dage isagoo tilmaamaya siday dawaldii Talyaanigu u hubyasay Daaroodka oo aanay lib hoyn karin Talyaani la'aantood.

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com