More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Q O R A A L   Riwaayad   Guubaabo   Safar
  Runsheeg   Halis   Danni & waswaas   Abris & Abees
  Boosaalle   Hebed   Dood   Dawiil
  Somali miihid   Dood   Gu'Onkoday   Carabi
  Caasi   Dhalanteed   Dastuur   Dhaleeco
  Haasaawe   Tafaraaruq   Saamiga qaldan   Hullaab Sheeg
  Giin   Xigmad   Berbera   Dhaliil
  Hawoy ba'   Libinta ku heshi   Food Khasaare   lagu sheegye
  Wacad   Dimoqraaddi   History   More
  Waano   Colaad sokeye   Ilaahay ka baqa   More
  Ballan   Gunbaa laga   Wacdi   More
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere"
HJ, Reer Yoonis Run-sheeg, 1954



Gabaygan wuxuu abwaanku ka tirshey colaaddii "Xargaga" ee dhacday qiyaastii 1954 kii. Qolyaha Hartiga ayaa duullaanka ku horreeyey waxse aakhirkii lagu kalabaxay dagaal weynihii ka dhacay Xargaga oo ah duleedka Laascaanood. Colaaddaas waxa beesha Muuse Abokor u soo meeray geel gaadhaya 10,000 oo halaad iyadoo Abbaanduulihii Majeerteen ee Nuur Dhalbaas isna dagaalka lagu dilay.

Ibtiloobe nimankii lahaa. iinjka saayidahe
Ma abaarsadeen nabad hadday, u intiqaalaane
Islaaxii horee dhacayba, way ku intifaaceene

Intiibaa badawgii ilbaxay, Awr jirka ahaaye
Intiibaa sidii rer isaaaq, Aydhin loo tegaye
Intiibay Iskuullada Kharduum, Innama geeyeene

Intiibay albaabada Berbera, aqal ka jeexdeene
Intiibay Amerika iyo Yurub, ehel ku yeesheene
Intiibay xariir wada asliya, ku arrad beeleene

Intiibay Ugaadha iyo Berdii, kala illaaweene
Intiibay asluub kala sinmeen, uumiyii kale'e
Istiqlaalna waatay beryahan u ashtakoodeene.

Nimankii intaa iyo intaa, la istareexsiiyey
Kolkuu amarku madaxaa ka galay, sida Arnaa'uudka
Abaal malaha duulkuye hadday, na asaraareene

Oo ay Colaad la ollogeen, ubaxi reer Shiikhe
Odayiyo Cuqaal baw badnaa, eelka kii dhigaye
Ma aqbalin waxay Dhiisiyadu,Oodhar bixiyeene

Afka laysla gaadh Habr-Jeclaa, ilaha dhaw taalle
Ibleys baa ku yidhi waw tagnaa, waana erinaaye
Ararsame qarfood iyo GeedQuwaax, eede taladaase

Ugaadhyahan ku dhimay geelashay, ooda jebiyeene
Ilaalayste reerahayagay, agabla' moodeenee
Waagoo iftiimay oo nirgaha, edegga loo soocay

Arooryuu na weeraray colkay, ababa' siiyeene
Arbiciin kunbaa noo fadhidey, ayda nagu dhowe
Aartiigu(RT) waa qaylada, ee lagu ogeysiiye

Asyab baa ku kacay guutaday, nagu Istaadheene
Aboob kama baxsado reer tolkay, nimu abbaaraaye
Ateera ula gale Rayfalkaa, aradda reebayne

Ashahaada-boob iyo Sunleey, lagu asqaysiiye
Aarmiga Sanweynaha kolkay, aaladdu u buuxdey
Alamaanka qiiqa iyo markuu, ololku soo duulay

Ulo noqoy Shacayskiyo waxay, urursanaayeene
Iyaga iyo Talyaaniguba way, orod nuglaayeene
Oogsade baquhu waa waxay, Ab u lahaayeene

Ku idlaade Idhankii Xargaga, Agabarkiisiiye
Arxan looma galo duul hadday, ku adyadeeyaane
Waataas ayaan qudha sidii, uub la soo jaraye

Abasguul, Ammaanle iyo Bartire, oosha Wadasaar ah
Iyo Uurarweyntii kinsidey, aamusina weydey
Abayoonis iyo Tuuryar, bay u itibaaseene
Eersade quruumii kalaan, cidiba eegteene

Englandbaa warkaa laga hayaa, uunka wada gaarye
Harti oof (Off), Ogaadeenna, waw araranaynaaye
Daarood ismaaciil ku noqoy, alablihiisiiye
Nin walboow ogsoonow kibradi aayatiin malehe.
 



 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com