More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

Q O R A A L   Riwaayad   Guubaabo   Safar
  Runsheeg   Halis   Danni & waswaas   Abris & Abees
  Boosaalle   Hebed   Dood   Dawiil
  Somali miihid   Dood   Gu'Onkoday   Carabi
  Caasi   Dhalanteed   Dastuur   Dhaleeco
  Haasaawe   Tafaraaruq   Saamiga qaldan   Hullaab Sheeg
  Giin   Xigmad   Berbera   Dhaliil
  Hawoy ba'   Libinta ku heshi   Food Khasaare   lagu sheegye
  Wacad   Dimoqraaddi   History   More
  Waano   Colaad sokeye   Ilaahay ka baqa   More
  Ballan   Gunbaa laga   Wacdi   More
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere" (1922 -2004)
HJ, Reer Yoonis "Ciinow lagu sheegye"





Rag badan oo ay Abwaanka ilmaadeerro ahaayeen oo magaalada Berbera oo dhan ka qaylisiiyey ayuu gabaygani ku saabsan yahay.

Caska dheer, Cismaaniyo Gurey, Caliga hoos jooga
Iyo Ina Cawaalii ahaa, Caaqilka is doortay
Camal-xumada mooyee Qanjaha, caarifka u sheegtay
Ceeriga Berbera wiilashaa, caanbax ku ahaaday

Ciisaha, caseebada shuftiga, ciidanka Amxaaro
Col-gondoodka, faashlaha lixda ah, caalamkuba sheegye
Cayn iyo Saraariyo Burcaa, lagaga cawdaaye
Cagarawde baableeshinkii , cuudka hayn jiraye

Caarraha shabeelkaba dhulbaa, looga cararaaye
Waa caymad nimankii fadhiyey, Cal iyo Dawdaabe
Waa duul cantuuga bartoon, caabudayn Axade

Caaday u yeesheen nin raga, inay cammeeyaane
Caataa waddeen iyo badhbaan, Cadan u soo reebay
Goortuu miskiinkii cawaro, haw calaacalo’e
Ninse caleenta jaad iibiya, iyo cobosha mooyaane

Carmal uu yaqaan iyo hablaha, camal la’ mooyaane
Casho dhow dar aan sheegayoon, celiyey mooyaane
Dad inay caqiibo u galaan, waa ka caariyo’e
Ku caddeeya ceeb waxawgu filan, Ciinow lagu sheegye.







 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com