More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Q O R A A L
  Riwaayad   Guubaabo   Safar
  Runsheeg   Halis   Danni & waswaas   Abris & Abees
  Boosaalle   Hebed   Dood   Dawiil
  Somali miihid   Dood   Gu'Onkoday   Carabi
  Caasi   Dhalanteed   Dastuur   Dhaleeco
  Haasaawe   Tafaraaruq   Saamiga qaldan   Hullaab Sheeg
  Giin   Xigmad   Berbera   Dhaliil
  Hawoy ba'   Libinta ku heshi   Food Khasaare   lagu sheegye
  Wacad   Dimoqraaddi   History   More
  Waano   Colaad sokeye   Ilaahay ka baqa   More
  Ballan   Gunbaa laga   Wacdi   More
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere"
HJ, Reer Yoonis Haasaawe



Shalay waxan u haasaawe tegey, nimanka Hawd yaalle
Waxaan sii hir-jiidhoba kolkaan, Harada guud joogey
Hanaddada Xirsi Cismaan markaan, Hodan ka baadhaayey

Hablahooda waaweyn markii aan, la hindisoonaayey
Haybtaada noo sheeg kolkii, hadalku soo gaadhey
Waxan ahay hadday haybsateen, Habar-Xabuusheede

Waakaas dharaar noo hirgalay, heelki Caynaba'e
Shirshoorii hawada weyn lahaa, haan ma dhaansado'e
Harraad baa ku jaray kaymihii, huurka kululaaye

Halkii Geed-Quwaax laga hiree, Hagar la dhaafsiiyey
Horweynkaa fadhiya Qaydarjeex, Hogobbadiisiiye
Nimankaa hor joogaannu nahay, hurrinta Daaroode
Miyaad huruddey reeraha arlada haysta baan ahaye.

Hawada beena iyo faanka waa, lagu hantaaqmaaye
Ninkastaa naftiisa ha hafree, hibo naloo daaye
Hal-Abuurna anigaaw fadhiya, hiilka maansada'e
Weligeey halkaasoo kale, yaan ka hindisoodaaye

Heeraabka maw dhigay tixdaan, hoodo ku lahaaye
Hoorhoor kaliileed Gugoo, meel fog ka hillaacay
Beeshoo Hayaantay buu Bah-yare, soo hakanayaaye
Hilimmada bannaan dawyadaa, lagu hagaajaaye

Higlooluu ka baxay geelayagu, waana la hubaaye
Hirka gudubsan Gaaroodibuu, hore u dhaafaaye
Hadhwanaag, Hulaanji iyo Ceeg, Hawdka Garanuugle

Hulguduudan, heeriga Garduur, heelki Gocondhaale
Haradii Bullaaliyo Dannood, Hogobbadii Dhiito
Hareeryada Docmood iyo Ballida, Hoobiyo agteeda

Meeshuu Maroodigu hogto, iyo hawkarkiyo Ayda
Heelliyo cayaar kama tunteen, hadhaci Baaltaage
Hubka loo sitaa baan naflaha, haysan kaa kale'e
Daarood Hijiinkaa ka baqay, haan kastuu yahaye.

Maantii ninkaan hurinti wadan, halawgu leefaayey
Harti iyo Isaaq geelayaga, la hungureyn waaye
Wax hashiisa lagu maagayaa, Half-ki taag daranne
Miyaa aniga lay holay ninkii hayb-yar baa go'aye.
 



 

 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com