More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Q O R A A L
  Riwaayad   Guubaabo   Safar
  Runsheeg   Halis   Danni & waswaas   Abris & Abees
  Boosaalle   Hebed   Dood   Dawiil
  Somali miihid   Dood   Gu'Onkoday   Carabi
  Caasi   Dhalanteed   Dastuur   Dhaleeco
  Haasaawe   Tafaraaruq   Saamiga qaldan   Hullaab Sheeg
  Giin   Xigmad   Berbera   Dhaliil
  Hawoy ba'   Libinta ku heshi   Food Khasaare   lagu sheegye
  Wacad   Dimoqraaddi   History   More
  Waano   Colaad sokeye   Ilaahay ka baqa   More
  Ballan   Gunbaa laga   Wacdi   More
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere"
HJ, Reer Yoonis Boosaalle -1940 kii

Madal abwaanno isugu yimaaddeen ayaa nin Daarood ahi gabyey isagoo leh dhulkan Habar Jeclo deegaanka u ah Harti baa laga riixay, haddana waa ku soo noqonaynaa. Gabaygaas waxa mirihiisa ka mid ahaa;

Malkada Seerin, dooxada Mugweyn, muguca Yaaheelle
Maalweynti joogtiyo hablii, noo mushxaradaayey
Wixii qudhaca mooska leh darmaan, macatabyeynaayey.


Jaamac Gacmadheere oo gabayada gole-ka-fuulka ah ku caan ahaa ayaa ninkaas ugu jawaabay tixdan soo socota ee "Boosaalle". Xilliga gabaygan la tirshey waa horraantii 1940 meeyadii;

Boosaalle gabay waanigii, baabki gaabsadaye
Waataan benneday maansadii, buuradka ahayde
Waa taan berkeduhuu ku jirey, boolashaw xidhaye
Xaluunbaan habeenkoo badh tegey, soo baraarugaye

Markaasaa albaab lay ballaqay, baanna lay tumaye
Barkimooyin baa lay dhigoo, lay barraxay meele
Markaasaan bayaan ugu fasilay, buug intaan deyaye
Aan bineeyo caawana midbaa bebaya laabtiiye.

Rag is beegay meel lagu ballamay, laguna soo buuqay
Birmadaa markii laysku ridey, badina loo tuuray
Boojaaji dhaaftay ee kolkay, qaraxday baaruuddu

Buxuur niman ahayn iyo markuu, fulaygu baashaalay
Dhawaan baradku goortuu baqdee, biidna tari waayey
Ban-ka-qooqu meeshuu ka dido, Baarqabkaa mara'e
Aan bineeyo caawana midbaa bebaya laabtiiye.

Beyd gaabku hadal uu yidhuu, beri dhan haystaaye
Intuu erayo baandhaynayay, bilo dhammaadaane
Ma soo biiriyee aniga way, bad iyo mawjaade
Way sida baraha roobka iyo, beeb la furayaaye
Aan bineeyo caawana midbaa bebaya laabtiiye.

Burka karin, barkada Ceeldaraad, buruca laas-Muuse
Bullada xeebta, bookhyada Hodmiyo, buurta regedkeeda
Barxadaha Shalcaw iyo dixaa, Cawda badan yeeshay
Mullaaxbeyle iyo Maydh-ta ay, barakadii joogto

Badda meersan tuulada Buraan, taniyo Boosaaso
Banaankii Xadeediyo Soolashaan, baadku ka idlaanin
Bixin iyo Berdaha Mooda iyo, Buulalliyo Qaarrey
Buska Ceelafweyn iyo Gureedh, Barada Suugaale

Batallada Wareeg iyo Sanaag, Jeexa Balanbaalle
Bohol iyo Bankaa Darantaliyo, barasankaa Geela
Baaraxa nugaaleed intay, Beden ku foofeyso
Badweyn iyo boggaa Caynaba, iyo yedanka Buuhoodle

Bacaroorta Daad iyo Saraar, daanta Bariyaad ah
Burco iyo kuraha Siibaqti, iyo Beer iyo agteeda
Bitaanshe iyo biyaha Ceelalood, Mamaca Bawbawle
Darka Boocle Beeyada macaan, Boqonta Laasciidle

Buqda kulul, Burcada Tuug-galgaley, baafiyaha hoose
Berkadaha Dubaar iyo intaa, Feerya bidixdooda
Bullaxaar dusheediyo Hudaha, baasha kaga toosan

Balka Webiga buuraha Qotoma, iyo Beled Galbeedo dhan
Bullaalaha ogaadeyn cabbo, iyo lebida Baardheere
Badhaa Hawd Ballida Hoobiyood, Baarcad gudubkeeda

Intaasoo bilaaduu degaa, badanow reer shiikhe
Haddaan uumiyuu naha baqayn, baad ma guraneene
Barqa weerar Gadiyo badheedh, booligiyo siinta
Daaroodku qaar uma baxsheen, Baradish xoolaaye
Rabbow biliga noo daa halqigu nama beriiyeene.
 



 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com