More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Q O R A A L
  Riwaayad   Guubaabo   Safar
  Runsheeg   Halis   Danni & waswaas   Abris & Abees
  Boosaalle   Hebed   Dood   Dawiil
  Somali miihid   Dood   Gu'Onkoday   Carabi
  Caasi   Dhalanteed   Dastuur   Dhaleeco
  Haasaawe   Tafaraaruq   Saamiga qaldan   Hullaab Sheeg
  Giin   Xigmad   Berbera   Dhaliil
  Hawoy ba'   Libinta ku heshi   Food Khasaare   lagu sheegye
  Wacad   Dimoqraaddi   History   More
  Waano   Colaad sokeye   Ilaahay ka baqa   More
  Ballan   Gunbaa laga   Wacdi   More
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere"
HJ, Reer Yoonis Jaamac & Saalax Cabdi



Gacmadheere ayay beri is jiidheen gabyaa la odhan jirey Saalax Cabdi Cali "Dabyare". Dhallinyaro ay Gacmadheere ilmaabti ahaayeen ayay marka hore is jiidheen Saalax Cabdi markaasaa Gacmadheere uga digey inuu u gabyo qolyahaas ay qaraabada yihiin oo isaga hiil biday.

Saalax Cabdi wuxuu u qaatay inuu Gacmadheere u hanjabayo markaasuu isagoo gooddiyaya uu tirshay tix aan ka xasuusanno dhawrkan tuduc.

Anigoo ismoolaan iqiin, awga maansada’e
Itiniin jirkii waxan ahaa, Aar yaroo kacaye
Hadba inanka ii soo mudhaan, alam ka siiyaaye.


Gacmadheere wuxuu tirshey tixdan ay ujeedadeedu ahayd " Fardo laysu hayo maxaa laysugu faanin"

Cirkoo da'ay, dhulkoo rays diyadey, Dirir Gugiiyaa leh
Haddii ay Daruuruhu curtaan, diririg roobbaa leh
Duufaan xagaagii dhiciyo, fidho diraac baa leh
Dixda dhereran Qudhaceeda, iyo damal Hareeraa leh

Geed kale dumaa buu noqdaa, dogob Galool baa leh
Biyo diirran Doollaha sare, iyo Dogoblayaalbaa leh
Dal wanaagsan kaymaha dugsoon, degelka hawd baa leh
Daadkaa Baloollehe noqda, iyo daranta Eexaa leh

Haddii aan abaar xumi dulleyn, darib wan weyn baa leh
Darmaan darab la soo saaray, iyo deeddan farasbaa leh
Dugaaggaa aduunyada cunay, iyo dulin Kutaan baa leh
Dab wax guba dayuur fayladha, iyo danab hillaacaa leh

Doonyaha Marsada soo gala, iyo dakhal Shinaawaa leh
Inuu meel daqiiqaha ka dhigo, Aar dibjirey baa leh
Dunidoo dhanbaa laga maqlaa, daafad Jibin baa leh
Sharci uu daliilaynayo, iyo duco wadaad baa leh

Diintuu Ilaah soo rogey, iyo derejo Beydkaa leh
Doqon sooryo kaagama adkee, deeq nin raga baa leh
Deebaaqda iyo Saalaxoow, dabaqa Waabay ah
Mar haddaan la kala daasanayn, dab iyo baaruudda
Allaylehe nin doonta ha dishee an isku sii deyno.


Marka halkaa arrin marayo ayaa la dhexgalay labadii abwaan oo la go'aansaday in sheekadii halkaa lagu daayo. Jaamac oo Sanaag ku maqnaa ayaa waa danbe guryo yimi isagoo ay ku soo duushay gabay uu Saalax Cabdi u tirshey oo ay erayadiisa ka mid ahaayeen;


Bal muraayaddayda isku eeg muunad xumidaada.

Gacmadheere markii uu su'aalay Saalax inuu gabayga tirshey ayaa Saalax Cabdi maba qarine wuxuu yidhi "Awelba wax waa is odhan jirnay". Jaamac oo ka xun gabayga Saalax ayaa labadan tixood iska daba riday.

Inkastoo aanan arag Saalax Cabdi, Jaamac Gacmadheere oo aan nolol ku arkay wuxuu ahaa nin dheer oo maarriin ah oo haybad iyo weji qornaanina u dheerayd, foolxumona ka fog. Tixdan hore wuxuu ku tilmaamayaa abwaanku inaan rag lagu qiimayn qurux ee ay astaan u tahay haweenka.

Miinleyda gabay waanigaan, marinnin waayaaye
Maankayga waataan ka jaray, mihindiskiisiiye
An micneeyo caawoo kaluu muunad leeyahaye.

Adiguu malaa kula xun yahay, mehered laawoowe
Midabkaygu waa fiican yahay, mahad Ilaahay'e
Madawgaa ragbuu badan yahee, miiggan baan ahaye
Muslinkaa Ilaahay halqaan, kala mid joogaaye
Ma malaanmalaan ahay maxaa muunadda i siiyey.

Masarka, iyo kabaha Maasa, iyo marada Baabliina
Milikhmilikhda diibkiyo xinnaha, laysasoo mariyey
Moohaarka Weesaaqyada, iyo laba midhoo caag ah
Goortay Murriyad qaadatiyo, Laasin miyateyn ah
Mardaaddiga tallaabada kolkay, dhabu marshaynayso

Ee ay halkaa soo marto, eed aragto muuqeeda
Naagaa magaalooyinkaa, lagu majeertaaye
Oo ay malloollida xunxumi, wada marqaamaane
Ma malaanmalaan ahay maxaa muunadda i siiyey.


Jaamac intaas kuma hadhine wuxuu tixdan kooban si toos ah ugu durayaa Saalax Cabdi oo sida gabayga ka muuqataba uu ka saaray Soomaalinimada.

Sa'da gabayga anigoo yar baan, saami ku lahaaye
Nin Siddeed jirkiisii bartoo, saakinaan ahaye
Salaan oo kalaa lay yiqiin, sebi ahaantiiye

Goortaan ka seexday hadleen, suburdhayaal jaanne
Oo ay wada sannaadheen kuwii, saarufka ahaaye
An sargooyo caawana halkuu sadarku doonaayo.

Soortaada layskagama daro, sun iyo waabay'e
Seben lama yaboohsado, adoo sixini kuu taalle
Suryo looma soo galo libaax, soolka yuurura'e
Waxan Saalaxoow ku irbayaa, waa saqraannimo'e
Adigaa sifaha soo rogey ee iga su'aal qaado.

Saabuun hadduu iibsaduu, saac walba is mariyo
Uu Suudh xariira iyo gashado, macawisii Saaxil
Sawaaxiligu kuma soo darsamo, Saadiyo Ashraafe
Siniigaalka iyo Yawgu waa, sawrac goonniyahe

Sufuushiyo sarriimada cankiyo, summadda loo yeelay
Sambalkaa Cabiid lagu gartaa, saacaddaa hore'e
Aduunbaa sidoodii ah, oo lagugu soocaaye

Soomaali miihide dadkaa, sawdku kuu baxaye
Haddaad aniga hadal saa'ila, iyo sir iga moodayso
Sawirkaaga adigoo arkaad, samirsan doontaaye
Silimooga orod oo ka eeg suurad xumadaada.

 



 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com