More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

Q O R A A L
  Riwaayad   Guubaabo   Safar
  Runsheeg   Halis   Danni & waswaas   Abris & Abees
  Boosaalle   Hebed   Dood   Dawiil
  Somali miihid   Dood   Gu'Onkoday   Carabi
  Caasi   Dhalanteed   Dastuur   Dhaleeco
  Haasaawe   Tafaraaruq   Saamiga qaldan   Hullaab Sheeg
  Giin   Xigmad   Berbera   Dhaliil
  Hawoy ba'   Libinta ku heshi   Food Khasaare   lagu sheegye
  Wacad   Dimoqraaddi   History   More
  Waano   Colaad sokeye   Ilaahay ka baqa   More
  Ballan   Gunbaa laga   Wacdi   More
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere"
HJ, Reer Yoonis "Caasi"






Gabaygan wuxu Jaamac jawaab uga dhigay qof wax ka sheegay qabiilka uu abwaanku ka dhashay ee Muuse Abokor. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "Haddii lagu sheegana waa lays sheelaa, haddii lagu sheelona waa la is sheegaa". Wuxu Jaamac gabayga ku sheegayaa deegaanka baaxadda leh ee Muuse Abokor iyo cududda tolkiis lagu ciseeyo.

Caad waa Daruur, amase waa, curasho roobaade
Carun waa Tigaad, amase waa, caana nabadeede
Cirir waa abaar, amase waa, col iyo aynfaade
Ceel waa Wiyeer, amase waa, Ceeri buuxsamaye
Caws waa guyaad, amase waa, cabasar Dayreede
Hadalna waa caddaan amase waa ha isku caatayne.

Berigay colaaddii jirtey, ee laysu cararaayey
Jeexyada cagaarka ah kolkii, Cayn la mari waayey
Cidda Reer Isaaq, iyo Hartiga, cawl dhex miranaayey
Casha keliya weli geelayaga, lama ceshiimayne
Cosob meel leh oo laga cabsaday, Caabudlaba daaqye
Caarshuhuna kama joojin karo cawska Seeraha'e.

Caado iyo Dannood baan ku furay, curadki Dayreede
Ceelkii Bullaale iyo u horay, Ciyow darkiisiiye
Ciiddii guduudnayd u hoyay, cuunki Xodayoode
Ceeriga Garoowe iyo ka soof, cidhifki Sayloode
Carrisyada Gundheere iyo u gudub, coonka dhagaxbuure

Muusaha Carrada buuxiyey, bay Culus ku daaqdaaye
Cidla kii qabtaan maalkayaga, cunin Waraabuuye
Daaroodku waa noo ceshaa, caymadkaw gala'e
Ninka summadda caanka ah arkaa, waa ka cararaaye

Sidii culimadii Reer Makaa, nala ciseeyaaye
Gob tolkaaya lama caasiyoon, ceebtu qabanayne
Xaggayaga codkaa aad na tidhi, waa ku caariyo'e
Ma Cammaadin baad tahay maxaad adigu noo cayday.




 



 

 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com